Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse Cilmi (Adan Shiine),oo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mudane,Mujaahid,Muse Biixi Cabdi iyo shacabka Somaliland,ee Doorashadii Guusha ku dhamaatay

 

 

 

London,June 1,2021- (TNN): – Mayorkii hore ee magaalo Ganacsiyeedka Somaliland ee Tog-wajaale,Mujaahid,Eng. Adan Muse C ilmi (Adan Shiine),oo ka hadlay Doorashadii guusha ku dhamaatay ,waxaanu yidhi :

"Marke hore waxaa mahadda oo dhammi u sugnayd Rabigeen (SWT),oo inoo suurta galiy ey inay si nabad gelyo ah inoogu qab soonto Doorasho isku sidkan, Golaha Wakiilada & G olaha degaanka.

Dareenkayga waddaninimo,waa mid aad u sareeya maanta,waanan ku faraxsan ahay dal kayga Somaliland,in uu Doorashooyin isdaba jooga ku guuleystay.Waxaan ku xigsiinayaa , oon hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somal iland,Mudane, Mujaahid,Muse Biixi Cabdi,xisbiyada Qaranka,Komishanka Qaranka,labada Gole,ciidamada Qaranka,shacabka Soma liland iyo dha maan wufuudii caalamigaa ee goob jooga ahayd.

Waa maalin taariikhiya,waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin ku astaysan geedi socodka Dimuqraadiyada ee ka hana qaaday dalkeena Somaliland.Waxay dhinbiil ku noqotay,kana murugooday,una quus goysay, cadawga gudaha & ka dib ada,ee habeen iyo maalin ku foogan sidii ay Nabada & Qaranimada Somaliland, khal khal u galin lahaayeen.Balse waxaay moog yihiin,in dalkan hooyooyin curadadodii ku waayeen,Geesiyaal naftoodii u hureen,dhiigoodii u daadiyeen, shacab & xukkumadna aan cadawga isha ku haynno.

Waxaa biyo kama dhibcaana ,in Doorashada maanta Somaliland ka qabsoontay, ee nabad galyada ku dhamaatay,ay indhaha bul shada Caalamka soo jiidatay,waxaanan markhaati ka wada nahay,in dalal badan oo caalamaka ay rabshado iyo nabad gelyo dar ro ka dhacdo waqtiga lagu gudo jiro doorashooyinka.Doorashadani ,waxay wax ka taraysaa Aqoonsi raadiska Somaliland, waxa anay dhabada u xaadhaysaa in mustaqbalk dhaw ay shacabka Somaliland ay caalamka ke helaan garawshiiyo iyo xaqa ay u lee yihiin inay bulshada caalamka ka mid noqdaan.Waxaa fooraha inagu soo haya saxan saxaadii Aqoonsiga Somaliland,waqti aan f ogayna,waxaynu geediga dheer ku furi doonaa,kuna soo dhaweyn doonaa ," Wataa Maandeeq dhashee,nimcada maaloo, hirqa da," bi'dini laah.

Anigoo fursadan ka faaideysanaya,waxaan u hambalyeynayaa Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun,oo isku soo sharaxay Golaha Wakiilada Somaliland,waxaanan Rabbi uga baryayaa inuu ku guuleeyo.Guusha & Guul darada Garyaqaan Barkhad,waxay daaha ka rogaysaa in dalka Jamhuuriyada Somaliland yahay ,dal qof walba xaq u leeyahay inuu wax doorto ,lana doorto,iyadoo aan lo o eegin Haybtiisa iyo raaska uu ka soo jeedo.

Waxaan Allaha awooda leh ka baryayaa inuu Nabada,Qaranimada,wada jirka,wada noolaanshaha & walaalnimada shacabka So maliland,noo xafido,noo adkeeyo,cadawga gudaha iyo ka dibadana,sharkooda na hareer mariyo,amin."

 

 

Timacade News Network (TNN)