WAR-SAXAAFADEED

 

 


Taariikh: 30 April,2017
Qoraal #: TWF9-30042017



Ujeeddo: Mahad celin & Shahaado Sharaf



Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF) ,waa Hay'ad ka diiwaan gashan Dalalka Jamhuuri yada Somaliland iyo Ingiriiska,waxaanay wakiilo ku leedahay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF) , oo iyadu keentay talada & fikirka in Tog-wajaale Cusbitaal yeelato, ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba dadaal joogta ah ka sameysay, codsiyana gaadhs iisay Hay'adaha samo-falka ee ka hawl gala Dalalka Carabt a,Yurub iyo Qaarada Maraykanka.

Hay'adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF),waxay ku guuleysatay in Hay'ada samo-falka ee Sheikh Mohamd Bin Raashid Al Maktoum Humanitarian & Charity Establishment iyo xukuumada Somalila nd ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ay gac an weyn ka geystaan hir galinta Cusbitaalka weyn ee magaalada Tog-wajaale,kaasoo noqday kii ugu horeeyey ee ay abid yeelato magaalada To g-wajaale.

Waxaan Allaha awooda leh uga mahad celinaynaa in maanta manficiisii,waxtarkiisii & midhihiisiiba la goosanayo,oo cusbitaalkii shaqaynayo,qayb libaaxna ka qaato daryeelka caafimaadka ee shacabka degan magaalada Tog-wajaale iyo guud ahaan Somalilandba.

Waxaa xusid mudan,taariikhda aan duugoobina ku xardhan, marnabana aan la iloobi karin,Wasiirka Maaliyada Somaliland,marwo Samsam Cabdi Aadan,oo habeen & maalinba gucle ugu jirta horumarka magaalada Tog-wajaale,kormeer joogto ahna ku gaalaa bixisa Cusbitaalka Guud,una kuur gasha xaalada dadka bukaan jiifka ah,dhar & dhuunina la dul taagan.

Waxaan Allaha ay Kawnkan gacantiisa ku jirto uga baryeynaa,inuu marwo Samsam Cabdi Aadan, miisaanka xasanaadka u siyaadiyo,adduunka in tay joogtana caafimaad,cisi & sharaf ku waarto,aakhirana ku daro kuwa Rabbi raaliga ka noqday,ee ka cabba Xawdka Nabigeenii Suubaana ee M axamed (CSW),ee jaar la noqda,aamiin.

Annaguna hadaanu nahay Maamulka iyo xubnaha Hayada Samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF), ee ku sugan dalka gudihiisa & dibadiisa ba,waxaad naga mudan tahay qadarin,sharaf,ixtiraam,waxaanan kuu haynaa abaal aan abid duugoobin,nagana guddoon Shahaado Sharaf kal & laab ah.







Eng. Mohamed Ali Muse          Dr. Hussain Mohomed Nur
Founder and Chairman            Chief Executive Officer
Tog-Wajale Foundation           Tog-Wajale Foundation