DHUUX OO DHADHANSO
 

 

Qaybtii Afraad

 
Nabad akhristayaasha sharafta lahoow,

Akhristayaal, waa qaybtii afraad ee soo xigashada xigmadda faraha badan ee afkeenna hooyo ku duugan. Murideenan maantuna waxay leedahay:

 
" Ninkii dhimiro loow waalidkaa
Dhaawdii lama diido
Haddana kaad dhaliil tuhusan tahay
Looma dhego koomo!!"

 
Murtida aan tixdan kooban ka soo dheegan karnaa, waxa weeye:
  • in qofkii damiir lihi u dhegonjuglaado waalidiintiisa - wixii aan macsi Alle ahayn. Haddiise ay wax macsi Eebbe ah ku amraan, lama adeecayo waalidka iyo cid kale toona. Waxase inna saaran, in aan waalidka si fiican ula hadalno - xataa haddii aynaan fulineyn waxaasi macsida ah ee ay inna amreen!
  • Tusaale ahaan, hooyadaa baa ku tidhi, " Haddii aad ina hebel madaxiisa ii keeni weydid kumaan dhalin ee dib ha ii soo agjoogsanin!"
  • Shareecadda Islaamku kuuma ogola, in aad dhiig muslim xaqdarro ku daadisid. Laakiin hooyadaa u caqli celi oo si wanaagsan oo hufan ugu sheeg, in aan Alle innoo ogolayn daadinta dhiig xaqdarro ah.

 

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 


 

DHUUX OO DHADHANSO
 

 

Qaybtii Saddexaad

 
Akhristayaal salaanta Islaamka kaddib, gabayaa Soomaaliyeed ayaa xigmaddan innooga tagey. Wuxuna yidhi:

 
"Dhallaan iyo adoo reer u weyn
dhaaxo lama laayo
Haddana kii aan dhawaaqaaga maqal
Looma wada dhaafo!"

 
Murtida ku jirtaa waxay tahay:
  • Waalid haddii aad tahay - gaar ahaanna aabbaha - had iyo jeer reerka ha waysaaqin oo ha laynin ee hab kale u adeegso tarbiyada carruurta. Weligaa askari ha noqonin ubadka iyo ooridaba lagu cabsiiyo ee noqo aabbe naxariis badan.
  • Ha yeeshee, haddii lagu maqli waayo; ul iyo edebi horay u kala maarmi waayeen!
Dhuux oo ku dhaqan!

 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 

 


DHUUX OO DHADHANSO
 

 

Qaybtii Labaad

 
Gabayaa Soomaaliyeed ayaa murtidan laga guntay.
 Wuxuna yidhi:

 
 " Dhalinyarada kii kula cimri ah
Lagama dheeraado
Haddana wiil dhabada seegan
oo dhoohan lama raaco!"

 
Ninkaasi, wuxu si kooban oo xigmadaysan innoogu sheegay; in ay muhiim tahay, in aad da'daada la tall aabsatid. Wuxuse ka digey, in aad la jaashid (saaxiibtid )ama aad faraqa ku xidhatid mid xaqa seegan oo aan cibaadeysan oo aakhiro iyo xisaabta dambe moog amaba balwad (o) leh ama danahiisa adduun yaba dayacay oo dhalanteed ku nool!!

 
Dhandhanso oo ku dhaqan.

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com

 


 

 

DHUUX OO DHADHANSO
 

 


Gabayaa Soomaaliyeed ayaa murtidan laga hayaa:

Wuxu yidhi,

" Rag kaa faqay
Rafiiq nimaad tihiin
Talo lagaa reebay
Halkii aan lagaa rabin
Indhaha lalama sii raaco!
"

Allahayoow ninkaasi ma taliyey.
Dhandhanso oo ku dhaqan!
 

 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com