Shirka London loogu qabanayo maamul Goboleedada
Soomaaliya,maxaa Somaliland uga kidhiisha !

 
 
     
 


Canada,23 January 2012 (TNN) :- Sidaan ku soo gudbin doono qoraalkan,kuna lafo guri doonno shirka Dawladda Ingiriisku ku qabanay so magaala da London,23 Feb 2012,ee lagu marti qaaday maamul Goboleedada ka jira Dalkii hore loo odh an jiray Somaliya,waxaa ajendaha shirkaasi oo nuqul ka mid ahi soo ga adhay Timacade News, ku cad  in aanay jirin meel lagaga hadalyo aayaha ,jiritaanka,maslaxadda iyo Qaranimada Somaliland, ba lse uu yahay mid ku kooban sidii loogu jihayn lahaa xaaladda cakiran,ee  20 ka sanno in ka badan ka aloosanayd Dalkii burburay ee Somaliya .

Waxaynu ka wada dharagsan nahay,lana soconna in wadamada Reer Galbeedku maal iyo awood milatariba u adeegsadaan sidii Dalal badan oo ad uunka ah, loogu soo dabaali lahaa nidaamka kala danbaynta iyo Dimuraadiyadda,loona cuna qabatayn lahaa,loona tir tiri lahaa  dhammaan nidaa mada ku qotoma keli talisnimada,boqortooyada,musuq maasuqa iyo wixii la hal maala.

Waxaase in la xuso mudan, Caalamkuna aad u soo dhaweeyeen, go'aanka iyo tallaabada shacabka Somaliland ay iyagu , iyadoon cidina xoolo siin , cidina ku qasbin , ay danahoodii   iyo masalaxadoodii uga tashaadeen ,ay iskoodna u hir galiyeen Nidaamka Dimuqaradida ee  ka hana qaaday .... Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Doorashadii taariikhiga ahayd,ee Madaxweynenimada ee ka qabsoontay geyiga  Somaliland, 26 June,2010 ,taasoo u dhacday si xor iyo xalaal ah, si sharaf lehna awoodii Dalka layskugu wareejiyay ,iyadoo aan wax dhiig ah iyo khasaare naf iyo maal too na ahina,aan au ku daadan.

Wadamo badan iyo Hay'ado Caalami ah oo goob joogayaal ahaana,waxay caddeeyeen in Dooorasha daasi ahayd mid la mid ah, una dhiganta Do orashooyinka ka dhaca wadama Caalamka ee hore u maray,una qabsoontay si xor iyo xalaal ah...Waxaa iyana in la sheego mudan, goob joogaya asha Caalamiga ahna ka mid ahayd, Lawyeradda (Sharci yaqaan)  lagu magacaabo, Quman Jibrill Cali Caqli , oo u dhalatay Dalka Somaliland,dega nna Dalka Ingiriika,waxnna ku baratay,lana soo shaqaysay Cherie Blair , oo ah Marwadii Raiisal Wasaarahii hore ee Dalka Ingiriiska, Tony Blair.


 

 


Doorashada Madaxweynimada ee Somaliland ka dhacday,waxaa soo dhaweeyey Hay'ado Caalami ah iyo madax badan oo caalamka ka tirsan,wa xaana ka mid ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ingiriiska,David Cameron,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

 

 

Somaliland,waa Dal jira oo xuduudiisa iyo dadka ku noolba la yaqaano.Haddaan taariikhda aan duugo obin dib u milicsnno, Somaliland waxay xorni madeeda ka qaadatay Boqortooyad Ingiriisa, 26 June 19 60,waxaana Dal ahaan u aqoonsday Qaramada Mudoobay (United Nations) iyo 35 wadd an , oo ay ka mid tahay Dawladda Maraykanku (USA)...Nasiib darro,waxay si bilaa shuruud ah ula midawday Koonfurta Somalilaya ,1 July 1960. Midawgii dheef laga munfacaadsaday daayoo,waxaa laga dhaxlay burbur, xasuuq & isir tir .

 

Qadiyadda iyo xaqa ay Somaliland u leedahay inay aqoonsi hesho,waa mid fagaarayaal Caalami ah iyo saxaafadda adduunkaba in badan lagu gor feeyey.Tusaale waxaa innogu filan , qoraalka cinwaankii su ahaa:


THE CASE FOR THE INDEPENDENT
STATEHOOD OF SOMALILAND

ee ay qoreen  labada aqoon yahan ee kala ah ,Anthony J. Carroll and B. Rajagopal, laguna daabacay  wargeyska Caalamiga ah,aadnna loo Qada riyo ee lagu magacaabo, Journal of International Law & P olitics...Labadaa aqoon yahay,waxay si cilmiyeysan u qaadaa dhigeen qadiyadda Soma liland,shuruu cda Caalamka,waxaanay ku soo gaba gabeeyeen qoraalkoodii in Somaliland la aqoonsado..... Qoraalk aas oo dhamays tiranna ka bo go: THE CASE FOR THE INDEPENDENT STATEHOOD OF SOMALILAND

Haddaba,Boqortooyada Ingiriiska oo ah Dalkii aynu xornimadeenii ka qaadanay, ahnna Dal taariikhde enna iyo dadnimadeenaba aad u yaqaana, m arka loo eego wadamada reer Galbeedkana ah  Dalka ug u  xogo gaalsan  xaqa ay Somaliland u leedhay inay aqoonsi Caalamiya hesho, may ahayn  maanta  in ay inoogu yeedho  shirka ay isugu imanayaan maamul Goboleedada tirada ka batay , ee Dalkii la odh an jiray Somaliya , balse waxaa ka habboonayd inay hormood ka noqdaan Aqoonsiga Somaliland.

Shirkaasi maaha mid ka talinaya aayaha iyo maslaxadda Qaranimada Somaliland, marti qaadkaasina maaha  mid noo  cuntamaya, Qaranimada Som alilandna, waa mid aanu u soo hurnay naf iyo maal,xin jir iyo dhiignna aanu ku bixinay,haddii ay Somaliland 100 Sanno ee soo socda Aqoonsi ka he li weydo bulshada Caalamkana,wax ay ka bedelaysaa haba yaraatee ma jirto jiritaanka & gooni isu tagga Somaliland. Haddii  Ingiriisku uu ku soo gabanayo Shilimaadka faraha guudkooda aan dhaafsiineyn ee u u innoo fidiyana ,waxaan leenahay gacan bani aadam laguma hagar baxee, Deeq da  Alleh ayaa  lagu baahi baxaa , ee cagta wax ka day!!!

Guntii iyo gunaanad , Shirka London ee loo qabanyo maamul Goboleedada tirada badan ee Somaliya, waxba Somaliland  ugama kidhiish aha. Mada xweynaha Somalilandna waxaan leenahay , magacaagu ha jiree , ha gaagixin Aqoonsiga ,ha wiiqin Qaranimada Somaliand,hana dhex fadhiisan ma amul Goboleedada darka jiidhay ee Caynkii iyo Baydiiba goostay ...........Qaranimada Somalilandna waa MUQADAS,aan  cidnaba gor gortan lagala geli karin.


Somaliland Ha Noolaato  ....... Long Live Somaliland ...... Somaliland Ha Jirto Oo Ha Joogto

 

 

 

 


TNN NEWS DESK
CANADA OFFICE