ILA QOSOL

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow.Salaan kaddib, waa sheeko kale oo ka mid taxanihii; Ila Qosol.

 
Xilli ku beegnayd 1950 naadkii oo uu gumeystihii ka talinayey Somaliland, ayuu nin Ingiriis ahi taliye u ahaa ciidan Soomaali ah oo ceel laga cabbo duldegganaa. Marka ay xooluhu ceelkaasi u soo arooraanna; wuxu u diri jirey rag ciidanka ka tirsan oo dadka xoolaha la waraabiya - si ay iyagana jimicsi iyo adadayg ugu noqoto.
Markii ay arrintaasi muddo socotey, ayaa ninkii Ingiriis meeshii laga bedeley. Waxana ciidankii halkaasi fadhiyey loo dhiibey; nin Soomaali ah oo weliba geeloodu ceelkaasi ka cabbo!
Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah; ayuu nin u bartay ciidamadii dadka caawin jirey ee ninkii Ingiriis haystey, geel soo arooriyey. Markii uu geelii soo horayna wuxu waayey, ciidankii joogtada ahaa ee dadka xoolaha la waraabin jirey.
 Dabeetana xaggii xerada ciidamada ayuu u cararay; isaga oo ciidan raadis ah. Markii uu meeshii yimidna cidiba way la hadli weydey!
Nin askartii ka mid ayuu wediiyey waxa dhacay ee ciidanka helay! Ninkii ayaa ku yidhi, " Waar ninkii Ingiriis meesha waa laga bedeley oo ina hebel baa loo dhiibee, bal orodoo u tag oo u dan sheego."
Ninkii oo cararaya ayaa taliyihii oo teendho (taambuug) hurda u yimid oo u dan sheegtay.Taliyihii ayaa ku yidhi, " Waar annagaba kaayagii ayaa horane orodoo cid kale doono!"
Ninkii oo yaabban oo quus ah, ayaa yidhi,
"Waar nin u geeloodu horan yahay, ayaa madax ka dhigi jirey!!"

 
 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com