ILA QOSOL

Salaan maamuus iyo milgo ku dheehan tahay marka aad guddoontaan kaddib, ku soo dhawaada akhristay aal ; sheeko kale oo ka mid ah, sheekooyinkeennii, Ila Qosol 
Nin reer miyi ahaa ayaa beri magaalada yimid. Markaasuu arkay dhawr nin oo ay yaraantii miyiga wada joo gi jireen oo markii ay magaalada soo galaan ganacsato noqday oo calool yeeshay (xaydhaystay)!Markaasuu la yaabay nimankii inta ay calooshu le'ekaatay.
Ninkan reer miyiga iyo nimankan xaydhaystay oo tol dhow ahaa, laakiin laba jilib ka ahaa ayuu la kaftamay oo ku yidhi, "Waar waxan beryahanba is idhaahdaa, nimankii reer hebel waydinkii ka badnaaye; goorma ay ay idin dhaafeen?" Wuxuna sii raaciyey, " Waar illayn waa niman xin dhalaya oo haween daaye, raggiina u dhalayo!" Isaga u-la-jeedey calooshoodan weyn ee aad moodid, in ay uur leeyihiin!

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com