ILA QOSOL

 
Bariido iyo badbaadada Rabbi kaddib, ku soo dhawaada caleemo qoyan iyo sheeko kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii la magacbaxay; Ila Qosol.
 
Kala duwanaanshaha caadooyinku waa cajaa'ibe, qolyo reer baadiye (miyi) ah oo adhi u iib keenay magaal ada iyo dillaaliintii ayaa is laayey - waxa la isku diidey lacagtii iibka adhiga. Waana la isku xanaaqay oo la kala duday!
Shoow nimankan reer miyiga ahi, dadba uma haystaan reer magaalka oo waxay maqleen arrin ay jidh diideen oo ah kan soo socda!?
Sida caadadu tahay, dadka waaweyn ee reer miyiga ahi; marka ay soo
xaajo gudanayaan
(kortagayaan) reerka way ka fogaadaan oo kaymaha iyo buuraha dabadooda ayay la tagaan oo waa ku ceeb, in qof weyni reerka dhexdiisa ku xaajo guto.

Haddaba, raggan reer baadiyaha ahaa oo maqli jirey; in reer magaalku guryaha gudahooda godod (suuliyo) ka qotaan oo ay ku xaajoodaan - aadna ula yaabi jirey, nin weyn oo saxarada reerka kala foofi waayey, ayaa dillaaliintii weerar ku soo qaadday.
Waxayna raggaasi ku muusanaabayeen iyaga oo is tirtirsiyaya (dhiirri gelinaya), " Waar waxa reerka x...ka ula hoyda laaya!"
Halkaasina waxa ka dhacay, dagaal dillaaliintii lagu jabiyey.

Miyayna ahayn, ka-la-maan iyo ninba timo xamar? Carro waliba camal lehe, wax aan adiga ceeb kula lahayn baa; cid kale ceebsataa!
 

 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com